Farmaajo Oo Markii Afaraad Shir Ku Baaqay, Kadib Markii Uu Muddo Xileedkiisa Dhamaaday 8-dii Febraayo 2021

 

20-03-2021

 

Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 22-ka Maarso 2021 ku baaqay Shir lagu dhammeystirayo Dadaalladii iyo Wada Xaajoodyadii Arrimaha Doorashooyinka ee u dhaxeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirkan oo labo maalmood socon doono, ayaa waxaa looga gol leeyahay in lagu soo gabagabeeyo Talooyinkii Guddiga Farsamada Doorashada ee ka soo baxay Shirkii Baydhabo 15-16 Febraayo 2021, kaas oo Xal looga gaaray Tabashooyinkii ka soo laabtay Heshiiskii Doorashooyinka ee 17-kii Sebteembar 2020.

Madaxweyne Farmaajo oo Muddo Xileedkiisa Dhamaaday 8dii Febraayo 2021 ayaa ku boorriyay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir in ay ahmiyad weyn siiyaan Shirkan lagu dhammeystirayo Tabashooyinkii kasoo laabtay Heshiiskii Doorashooyinka si dalka loogu jiheeyo Doorasho Xor iyo Xalaal ah.

Waa markii afaraad uu Mde Farmaajo uu ku baaqo shir, tan iyo markii uu Muddo Xileedkiisa Dhammaaday 8dii Febraayo 2021da.

Xigasho: Jowhar News

Leave a Reply