Danjire Abuukar Baalle: “Kenya Waxba Kama Bedeli Karto Dhegaysiga Dacwaddii Badda Ee Lasoo Gabagabeeyay”

 

20-03-2021

 

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Daahir Cusmaan (Abuukar Baalle) ayaa sheegay in Golaha Ammaanka aanay wax shaqo ah ku lahayn Go’aanada ay gaarto Maxkamada Caddaalada Adduunka ee ICJ (International Court of Justice) oo soo gabagabaysay Dacwadda Badda.

Danjire Abuukar Daahir Cusmaan (Abuukar Baalle) ayaa sheegay in Golaha Ammaanku shaqadiisu tahay Fulinta Go’aamada kasoo baxa Maxkamada Caddaalada Adduunka.

Wuxuu Danjiruhu sheegay in Kenya aysan waxba uga suurto gali karin qorshaheeda ku aaddan in ay ashtako u gudbiso Golaha Ammaanka, iyadoo u sheegaysa in aanay ku qanacsayn Dacwadddii Badda ee Maxkamadu soo gabagabaysay.

“Maxkamada Caddaalada iyo Golaha Ammaanka waa Labo Xubin oo Siman. ICJ waa Maxkamad Madaxbannaan, waxyaabaha ay Kenya faafinayso waa waxyaabo aanan waxba ka jirin,” ayuu yiri Abuukar Baalle oo qeyb ka ahaa Wafdigii Dowladda Soomaaliya u matalayay Dacwadda Badda.

Abuukar Baalle ayaa sidoo kale sheegay in Kenya uusan Cudur-daar u noqon karin in Xaakimiinta Dacwadda qaadayay uu qeyb ka ahaa Cabdiqawi Yuusuf oo Asal ahaan Soomaaliya kasoo jeeda.

“Cabdiqawi wuxuu kamid yahay Xaakimiinta sumcadda wanaagsan leh ee Maxkamada ICJ, waxaana lagasoo doortay Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay,” ayuu yiri Abuukar Baalle.

Dhawaan, Maxkamada ICJ ayaa lagu wadaa in ay ku dhawaaqdo Go’aanka Dacwadda Badda Soomaaliya.

Xigasho: Hiran Online News

Leave a Reply