Ciidamo Cusub Oo Katirsan Ciidanka DFS Oo Tababar Loo Soo Xiray, Iyo Turkiga Oo Ka Hadlay

 

20-03-2021

 

Wasaaradda Gaashaandhiga ee Turkiya ayaa waxay shalay sheegtay inay qalin jebiyeen Dufcad Cusub oo katirsan Ciidanka Milliteriga Soomaaliya, kuwaasi oo tababar ku qaatay Gobalka Isbaarta (Isparta) ee Koofur Galbeed ee Turkiya.

Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Turkiga ayaa waxaa lagu muujiyey inay soo dhaweynayaan Munaasabad lagu qabto Dalka Soomaaliya oo lagu soo dhaweynayo Dufcadda 6-aad ee Ciidanka Lugta ee Milliteriga Soomaaliya, kuwaasi oo dib ugu laabtay dalkooda.

Waxaa kaloo Wasaaradda Gaashaandhiga Turkiya ay sheegtay in Ciidanka dhameystay Tababarka Komaandooska ay ku qaateen Xarunta Tababarka La-dagaalanka Argagixisadda oo ku taalla Gobalka Isbaarta (Isparta) ee Koofur Galbeed eeTurkiya.

Bishan Maarso 1deedi, ayaa waxaa dalka dib ugu soo noqday 300 oo Askari oo Soomaali ah kadib markii ay soo dhamaysteen tababar ay ku soo qaateen Dalka Turkiya.

Dowladda Soomaaliya waxey dhawaantan u dirtay Dalka Turkiya Boqolaal Askari oo katirsan Ciidanka Gorgor, waxeyna sheegtay iney tababar kusoo qaataan Dalka Turkiya, kadibna dib loogu soo celinayo Dalka Soomaaliya.

Xigasho: Radio Dalsan

Leave a Reply