Xubno Katirsan Al-Shabaab Oo Howl-Gal Qorsheysan Lagu Qabtay

 

19-03-2021

 

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa shaaciyay in ay howlgal qorsheysan ku qabteen xubno katirsan Al-Shabaab, kadib markii ay weerar ku qaadeen goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in ay 6 katirsan Dagaalamayaasha Al-Shabaab ku qabteen howlgalka oo laga fuliyay Gobolka Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale waxay Saraakiishu tilmaameen in Ciidamada ay gubeen Xarumo Al-Shabaab u isticmaali jireen Xabsiyo, halkaasna laga sii daayay Maxaabiis badan.

Howl-galkan waxaa sidoo kale Al-Shabaab looga furtay Hubka Fudud oo u badan Qoryaha AK47 iyo Rasaas sida laga soo xigtay Saraakiisha Dowladda. – Radio Shabelle

 

Leave a Reply