Tansaaniya (Tanzania) Oo Yeelatay Madaxweynihii Ugu Horeeyay Oo Haweeni Ah

 

19-03-2021

 

Marwo Saamiya Suluxu Xasan ayaa maanta loo dhaariyay in ay noqotay haweeneydii ugu horeysay oo Tansaaniya (Tanzania) Madaxweyne ka noqota, kadib Geeridii Madaxweynihii Dalkaas John Magufuli.

Marwadan 61 sano jir ah ayaa aheyd Madaxweyne Kuxigeenkii Dalkaas, sida u Dastuurka qaba marka Madaxweynaha geeriyoodo waxaa xilka qabanaysa ku xigeenkiisa.

“Anigoo ah, Saamiya Suluxu Xasan, waxaa balan qaadayaa in si daacad ah aan u ilaaliyo Dastuurka Tansaaniya (Tanzania),” ayay tiri Maarwo Saamiya.

Marwo Saamiya ayaa ku dhalataya Jaziiradda Sansibaar (Zanzibar) ee Badweynta Hindiya ee katirsan Dalka Tansaaniya (Tanzania), waxayna siyaasadda ku jirtay 20 sano ee la soo dhaafay, waxay aheyd Marwo udub dhexaad u ah Xisbiga talada haya ee CCM ee Madaxweynihii geeriyooday ee John Magafuli, wuxuuna u doortay Madaxweyne Kuxigeen 2015kii.

Bishii Oktoober, ee sanadkii hore ayaa mar kale dib loo doortay, Doorasho ay hareereysay wax isdabo marin iyo eedeymo kale.

Marwo Saamiya waxay noqotay Madaxweynihii 6aad ee Tansaaniya (Tanzania).

Xigasho: Radio Mogadiscio

Leave a Reply