Wafdi Ka Socda Dowlad Goboleedka Galmudug Oo Gaaray Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya

 

18-03-2021

 

Wafdi ka socda Dowlad Goboleedka Galmudug ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa gaaray Magaalada Wardheer ee Gobolka Dollo ee Dowlad Degaanka Soomaalida ee Dalka Itoobiya.

Wafdigaan waxaa kamid ah Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdiwaayeel , waxaana ay halkaasi kula kulmi doonaan Wafdi ka socda Dowlad Degaanka Soomaalida ee Dalka Itoobiya.

Sida uu sheegay Wasiirka Amniga Galmudug labada dhinac ayaa ka wadahadli doona Amniga iyo Iskaashiga.

“Waxaan si nabad ah ku soo gaarnay annagoo Wafdi Dawladda Galmudug ka socda ah Caasimadda Gobolka Doollo ee Wardheer ee Dawlad Deegaanka Soomaalida,”ayuu yiri Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug Fiqi.

Waxaa uu intaasi kusii daray “Ujeedada socdaalka Wafdiga ayaa ah in aan kulamo la qaadanno Hogaanka Nabadgalyada iyo Wasiiro katirsan DDS si loo xoojiyo Nabadgalyada Labada Maamul, Iskaashiga Ganacsiga iyo Dhaqaalalaha iyo Horumarinta Arrimaha Bulshada.”

Xigasho: Hiiraan Weyn News

Leave a Reply