Maxay tahay Sababta Isbaheysiga Cusub Ee Looga Dhawaaqay Muqdisho?

 

18-03-2021

 

Magaaladda Muqdisho ayaa waxaa galabta looga dhawaaqay Isbaheysi Siyaasadeed oo cusub, kaasi oo ay ku mideysan yihiin Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubaland, Midowga Musharraxiinta iyo Siyaasiyiinta Somaliland.

Isbaheysigan ayaa loogu magacdaray Madasha Bad-baado Qaran, waxaana Guddoomiye loogu doortay Cabdi Xaashi oo ah Guddoomiyaha Aqalka Sare.

Waxay sheegeen in Ujeedka ugu weyn ee Madashan ay noqon doonto Qabashada Doorasho Xalaal ah iyo inay ka hortagayaan in dalku uu galo fashil siyaasadeed, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Talaabadan ayaa ku soo aadaysa, xilli aan weli laga heshiin Muranka Siyaasadeed ee ka taagan Arrimaha Doorashooyinka Dalka, islamarkaana la filayo in dhowaan uu Muqdisho ka furmo shir u dhexeeya Madaxda Dowladda Federaalka, Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Hoos ka akhriso War Murtiyeedka Madasha Cusub;

 

Leave a Reply