Wasiirka Amniga Soomaaliya Oo La Kulmay Ra’isul Wasaaraha Qatar

 

17-03-2021

 

Ra’iisul Wasaaraha Qatar Shiikh Khaalid bin Khaliifa bin C/Caziiz Al Thaani ayaa xafiiskiisa Ku qaabilay Wasiirka Amniga Soomaaliya, Xasan Xundubey Jimcaale, waxayna ka wada hadlen Iskaashiga Amniga ee laba dal ee Soomaalia iyo Qatar.

“Waxana aan ka wada hadalnay Iskaashiga Amniga ee laba dal ee Soomaalia iyo Qatar, anigoo kaga mahadceliyay Tageerada Dowlada Qatar ay la garab taagantahay Shacabka iyo Xakuumada soomaaliya,” Wasiirka Amniga Xasan Xundubey Jimcaale.

Wasiirka Amniga oo maalmahan ku sugnaa dalkaas ayaa la kulmay mas’uuliyiin kala duwan, isagoo kala hadlay Xoojinta Iskaashiga Labada Dhinac gaar ahaan Nabad Geliyada. – Radio Muqdisho

Leave a Reply