RW Rooble Oo Tacsi Ugu Tegay Qoyska Madaxweynehii Hore Cali Mahdi Maxamed

 

17-03-2021

 

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday Gogosha Tacsida Allaha u naxariistee Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Marxuum Cali Mahdi Maxamed.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa saxiixay Buugga Tacsida, lana kulmay Qoyska iyo Qaraabada Marxuumka, Guddigii Tacsida iyo Odayaasha Dhaqanka ee ka shaqeynayay Tacsida Marxuum Cali Mahdi Maxamed.

“Waxaan Soomaali oo dhan, Qoyskii iyo Eheladiisa uga tacsiyeynayaa Geerida Naxdinta leh Marxuum Cali Mahdi Maxamed, Madaxweynihii Hore. Waxaan Ilaahey uga baryayaa in uu Qabriga u waasiciyo, aan Ducada u badinno in uu Ilaahey Naxariistii Janno geeyo, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo hadal kooban ka jeediyay goobta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahadceliyay Guddiyadii Aaska Qaran, Qoyska iyo Duubabka Dhaqanka ee sida wanaagsan uga shaqeeyay Aaska Madaxweynihii Hore Marxuum Cali Mahdi Maxamed, isagoo Shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay u duceeyaan Marxuumka.

Xigasho: Radio Kulmiye

Leave a Reply