Qarax Lala Beegsaday Sarkaal Katirsan Ciidamada Dowlad Goboleedka Puntland

 

16-03-2021

 

Wararka naga soo gaaraya Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegaya in qarax lala beegsaday Sarkaal katirsan Ciidamada Dowlad Goboleedka Puntland.

Qaraxa oo ahaa Miinada nooca dhulka lagu aaso, ayaa Sarkaal la dhashay Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed laguna magacaabo Warsame Yuusuf Axmed (Yeey) lala beegsaday Gaari uu watay xilli uu marayay Bartamaha Magaalada Gaalkacyo.

Sarkaal oo katirsan Laanta Dambi Baarista ee Dowlad Goboleedka Puntland ee C.I.D. ayaa ka badbaaday qaraxa, hayeeshee Goobjoogayaal ay sheegeen in uu Burbur Xoogan soo gaaray Gaariga uu watay Sarkaalka.

Ciidamo katirsan Booliska Dowlad Goboleedka Puntland ayaa tegay halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo sameeyay Howlgallo Baaritaano ah walow aysan dad u qaban qaraxaas.

Xigasho: Radio Risaala

Leave a Reply