Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Oo Shacbiga U Soo Jeediyey Inay Raacaan Tilmaamaha Bahda Caafimaadka

 

16/03/2021

 

Hargeysa(SOLNA) – Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa sheegay in xaaladiisa caafimaad wanaagsan tahay, kadib markii afar maalmood kahor laga helay Xannuunka COVID 19.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo khadka Telefoonka maanta ugu warramay Wakaaladda Wararka ee SOLNA, ayaa sheegay in Sabtidii toddobaadkan laga helay COVID 19, isla markaana uu dareemayo calaamado lamid ah kuwa durayga, waxaanu xusay inuu gurigiisa isku karantiilay.

Md. Cabdiraxmaan Saylici, Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland waxa uu bulshada Reer Somaliland u soo jeediyey inay iska baadhaan Xannuunka Coronavirus, qofkii dareema calaamadaha xannuunkaasina uu xili hore iska ilaaliyo, kana ilaaliyo qoyska iyo dadka kale ee la shaqeeya.

Madaxweyne Ku-xigeenku wuxuu xaqiijiyey inuu Telefoonka ku fulinayo wixii shaqo ah ee u yaalla xafiiskiisa, waxaanu tilmaamay in Bulshada Reer Somaliland looga baahan yahay inay ka feejignaadaan Xanuunka COVID 19 oo ay raacaan tallooyinka ay soo saarto Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku.

 

 

Leave a Reply