Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhamaaday Ee Dowlada Federalka Somaliya Oo Maanta Qaatey Tallaalka Cudurka COVID-19

 

16-03-2021

 

Muqdisho (WBW: The GBM) – Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhamaaday ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu soo waramay inuu noqdey qofkii ugu horeeyey ee qaata Tallaalka Cudurka COVID-19.

Shalay ay aheyd markii Qeybtii Koowaad ee Tallaalka COVID-19 lasoo gaarsiinayay Magaalada Muqdisho, waxaana fududeeyay Hay’adda GAVI iyo Qaramada Midoobay, iyadoo Qeybta Labaadna la sheegayay in Dalka Soomaaliya la keeni doono Todobaadyadada iyo Bilaha soo socdo.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Graet Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa wararka caalamka, gaar ahaana Wararka Dalka Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Dalka Somaliland, Dalka Jabuuti, Degaanka Soomaali Galbeed, iyo Degaanka NFD (Northern Frontier Districts).

Leave a Reply