15/03/2021
Hargeysa (SOLNA) – Xildhibaanada Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa loo qaybiyay Waxka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah Xeer Lambar 31/2021
Fadhi ay yeesheen Golaha Wakiillada Somaliland oo uu shirgudoominaayay Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faaraxa ayaa Xildhibaanada Xeerkaas Shaqaalaha Rayidka loogu qaybiyay, iyadoo xeerkaasii ka soo noqday Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland.
Isla fadhigaas ayaa waxa shirgudoonka Golaha Wakiilladu uu Guddi Xildhibaano ah u saaray Xeerka Aaggaga Cashuuraha Ka Caagan, Guddidaas oo ahayd Shan Xubnood ayaa wax ay kala ahaayeen;
1) Xildhibaan Maxamed Xuseen
2) Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan
3) Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi
4) Xildhibaan Abokor Cabdiraxmaan Good
5) Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud
Ugu dambayn Shirgudoonka Golaha Wakiiada ayaa Guddidaas ildhibaanada ah oo kaashan doona Guddi Hoosaadka Shuruucda ee Golahaas u soo jeediyay inay xeerkaas soo gorfeeyaan, dibna ugu soo celiyaan Golaha.