Taliyaha Ciidanka Xoogga Oo Sheegay In Weli Uu Socdo Hawlgalka Tooratoorow

 

15-03-2021

 

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in Ciidanka Kumaandooska Danab ay saakay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ku fashiliyeen Deegaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabellaha Hoose, xilli Ciidanka ay hawlgal ka wadeen deegaankaasi.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa tilmaamay in qofkii waday gaariga oo keliya uu ku dhintay qaraxaasi ay Ciidanku fashiliyeen.

Xoogaga Kumaandooska Danab oo xalay ka ruqaansaday Garoonka Ballidoogle ayaa hawlgal ku tagay Deegaanka Tooratoorow, hawlgalkaasi oo ay ku baadigoobayeen Xubno katirsan Al Shabaab.

General Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xusay in hawlgalku uu weli socdo, lana beegsanayo Al Shabaab.

Dhanka kale Al Shabaab ayaa sheegay inay beegsadeen Kolonyo ay la socdeen Militariga Soomaaliya iyo Ciidamo ay ku sheegeen inay caddaan ahaayeen, isla-markaana ay gaarsiiyeen khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.

Sidoo kale Shabaabku waxay sheegeen in qaraxaasi lagu burburiyay laba gaari, oo ay la socdeen Ciidamadaasi.

Hase yeeshee Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abokar Dubbe ayaa Ciidanka Xoogga Dalka ku ammaanay in ay ka hortaggeen Qarax la doonayay in lagu dhibaateeyo Shacabka Muqidsho.

“Waxan ammaanayaa Ciidanka Xoogga, gaar ahaan Guutada Danab oo shacabkooda Soomaaliyeed, gaar ahaan Shacabka Muqdisho ka badbaadiyay Qarax iyo Khasaaro Cadowgu u soo waday. Guuleysta geeshkayagow.” Ayuu yiri Wasiir Dubbe oo warkan ku sheegay bartiisa Twitter-ka.

Gobolka Shabellaha Hoose waxaa laga fuliyaa hawlgalada ugu badan ee ka dhanka ah Maleeshiyada Al Shabaab, waana xilli Gobolkaasi ay Shabaabku ka gaystaan weeraradooda ugu badan. – Universal TV Somali

Leave a Reply