Labo Kamid Ah Madaxda Dowlad Goboleedyada Oo Dalka Ka Maqan Iyo Siyaasada Ka Dambeysa

 

15-03-2021

 

Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan inta badan Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka kuwaa oo u yimid ka qeyb galka Shirka la filayo in looga hadlo xal ka gaarida Khilaafka ka taagan Doorashada Soomaaliya.

Madaxda Maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa dalka ka maqan xili la filayo in Muqdisho shir ka furmo, waxaana labadan Madaxweyne Dowlad Goboleed la sheegay in Arrimo siyaasadeed iyo kuwa u gaar ah u joogaan dalka Turkiga.

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in Safarka Madaxda Galmudug iyo Koonfur Galbeed ku joogaan Dalka Turkiga ay salka ku heyso Siyaasad iyo Carqaladeynta Shirka la filayo in uu ka dhaco Muqdisho.

Madaxweynaha Waqtigiisa Dhamaaday ee Soomaaliya Farmaajo ayaa la sheegay in uu ka dambeeyo in Labadan Madaxweyne Dowlad Goboleed u safraan Turkiga, waqtina ku lumiyaan si meesha uga baxdo Shirka ay Beesha Caalamka garwadeynta ka tahay ee lagu wado in Xalane ka dhaco.

Labada Madaxweyne ee Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo kala ah Qoor Qoor iyo Laftagareen ayaa sidoo kale iyaga oo Turkiga jooga Shuruudo ku xiray ka qeyb galka Shirka la filayo in uu ka dhaco Xeendaabka Xerada Xalane, waxa ayna ku baaqeen in Shirkaasi ka dhaco Villa Somalia ama meel kale.

Muqdisho waxaa hada jooga Madaxda Dowlad Goboleedyada Hishabelle, Jubbaland iyo Puntland, kuwaa oo u yimid in ay ka qeyb galaan shirka la filayo in looga hadlo Arrimaha Doorashada ee lagu muransan yahay.

Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in aysan raali ka aheyn in Shirka ka dhaco Xeendaabka Xalane sidoo kale saameyn ku yeelato Beesha Caalamka, waxa ayna Villa Somalia fashilinta shirkaasi u adeegsaneysaa Dowlad Goboleedyada taabacsan.

Xigasho: Hiiraan Weyn News

Leave a Reply