Safiiradda UK Oo Wadahadal La Xiriira Arrimaha Doorashada La Yeelatay Midowga Musharixiinta

 

13-03-2021

 

Kate Foster oo ah Safiirka Cusub ee UK u qaabilsan Somaaliya ayaa markii ugu horreysay Wadahadal la xiriira Arrimaha Doorashada la yeelatay Midowga Musharixiinta.

Wadahadalka labada dhinac ah oo ku dhacay Aalada Internetka (Zoomka) ayaa leyskula soo qaaday sidii loo sii joogteyn lahaa Wadahadalada la xiriira sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafka wali ka jira Arrmaha Doorashooyinka.

”Wuxuu ahaa kulan wax ku ool ah oo aan la yeeshay Golaha Musharaxiinta Madaxweynaha, waa muhiim in dhinacyada oo dhan is maqlaan, UK waxey ku boorineysaa dhamaan dhinacyada in ay sii wadaan Wadahadalka isla markaana la raadiyo waddo horay loogu mariyo doorasho lagu kalsoonaan karo” ayey tiri safiirka.

Kulanka ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee dhaxmara Safiirka Cusub iyo Midowga Musharixiinta oo dhowr jeer oo hore sidan oo kale Wadahadal la yeeshay xubnaha kale ee Beesha Caalamka ka jooga Soomaaliya.

Wali Soomaaliya waxaa heshiis buux laga gaarin doorashada waxaana dhawaan loo madlan yahay kulan dhaxmari doona madaxda dowladda Federaalka, Dowlad gobolleedyada iyo gobolka Banaadir. – Hiran Online News

Leave a Reply