Qarax Lala Beegsaday Sarkaal Militeri Ah Oo Ka Dhacay Muqdisho

 

13-03-2021

 

Qarax miino oo jugtiisa laga maqlay qaar kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa uu caawa fiidkii ka dhacay Wadada Afesiyooni ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay gaari uu la socday Korneel Cumar Cabdiraxmaan oo katirsan Saraakiisha Milateriga gaar ahaan Ciidamada Koofi Casta.

 

Inta la xaqiijiyay hal Askari ayaa dhintay, halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo uu ku jiro Korneyl Cumar Cabdiraxmaan.

Ciidamada Ammaanka ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, iyagoona xiray wadada, isla markaana sameeyay baaritaano.

 

Xigasho: Radio Kulmiye

Leave a Reply