XOG: Sumeyn Iyo Khaarijin Is Barbar Socota Oo Dalka Ku Soo Korortay

 

12-03-2021

 

Ilo Xog Ogaal ah ayaa sheegaya in bilihii lasoo dhaafey dalka Soomaaliya soo gaartey Sun Khatar ah oo Sirdoonada Halista ah Isticmaalaan taas oo lagu magacaabo RICIN.

Suntan ayaa lasheegey in loo isticmaalikaro habab kala duwan sida, in lagu duro qofka, cuntada loogu daro iyo weliba in la ursiiyo qofka ayadoo sida Perfum-ka loo adeegsanaayo.

xogo soo baxaya ayaa muujinaya in lasumeeyey Masuuliyiin uu kamid ahaa Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, Adan Coombe, Madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed iyo Caalimkii weynaa Sheekh Nuur Baaruud Gurxan waxaana xogtu sheegeysaa in uu ka danbeeyey Cabdulahi Dheere Taliyaha Dabagalka oo aad ugu dhow Teliyaha NISA Fahad Yaasiin iyo Madaxweyne Farmaajo.

Dhanka kale Taliyaha Dabagalka ayaa la sheegey in uu beegsi gaar ah ku hayo siyaasiyiinta ka aragtida duwan Madaxweynaha Xilkiisu Dhamaadey Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Masuulkan ayaa lagu eedeyey inuu bixiyey Amarkii lagu weerarey Hotel Maaida xilli ay kusugnaayeen Madaxweyniyaashii Hore Sh. Shariif iyo Xasan Sheekh si ay ugu qeyb galaan Dibadbax Nabadeed oo lagu wadey in uu ka dhaco Fagaaraha Daljirka Daahsoon. – Mareeg News

Leave a Reply