Garoonka Diyuuradaha Caalamiga Ee Muqdisho Waxaa Laga Soo Dejiyay Meydka Madaxweynehii 3aad Ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed

 

12-03-2021

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa laga soo warinayaa in Garoonka Diyuuradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle Cusmaan ee Magaalada Muqdisho laga soo dajiyay Meydka Madaxweynihii 3aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed, iyadoo Meydka laga soo qaaday Magaalada Nayroobi ee Dalka Keenya kadib markii uu Galabtii Arbacada oo ay bishan aheyd 10ka uu halkaasi ku geeriyooday.

Warka wuxuu ku daray in Garoonka Diyuuradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle Cusmaan ee Muqdisho ay ku sugan yihiin Ehelada Madaxweynihii 3aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Madax katirsan Dowladda uu Mudo Xileedkeeda uu Dhamaaday ee Soomaaliya ee uu ugu horeeyo Madaxweynaha Mudo Xileedkiisa uu Dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaa kale ee Garoonka Diyuuradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle Cusmaan ee Muqdisho ku sugan Gudoomiyaha Golaha Midowga Murashixiinta iyo xubno la socdo, Gudoomiyeyaasha Labada Aqal ee Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Ku-xigeenodooda, Madaxda Dowlad Goboleedyada, iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Waxaa lagu wadaa in Duugis Qaran (Aas Qaran) loogu sameeyo Magaalada Muqdisho, iyadoo lagu duugi doono Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho ee Gobolka Banaadir.

Waxaa aad loo tuhunsan yahay Geerida Madaxweynehii 3aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo Isaga iyo Xaaskiisaba isku mar lagu soo wada booday, kadibna loo qaaday Dalka Keenya; iyadoo hada ay Xaaskiisana Sakaraad tahay.

 

Sanadihii u dambeeyay wuxuu aad uga soo horjeeday Siyaasada Madaxweynaha Mudo Xileedkiisa Dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo taageerayaashiisaba, wuxuuna ka diidyay wax kasta oo uu Farmaajo doonayay inuu ku aamusiyo isaga; sida 5tii Milyuun ee Doolar ee uu ugu soo dhiibay Siyaasiinta ay Isku Heybta ahaayeen asiise uu iyagane uu ka diidyay .

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Graet Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa wararka caalamka, gaar ahaana Wararka Dalka Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Dalka Somaliland, Dalka Jabuuti, Degaanka Soomaali Galbeed, iyo Degaanka NFD (Northern Frontier Districts).

Leave a Reply