Gobolka Saaxil Oo Ay 90 Goobood Kaadh Qaadashada Doorashooyinku Ka Bilaabantay

 

11/03/2021

 

Berbera (SOLNA) – Waxa ay maanta si rasmi ah Qaadashada Kaadhka Codbixintu uga bilaabantay 90 goobood oo ku yaalla Gobolka Saaxil, iyada oo ay goobahaas kormeero kala duwan ku tageen xubno kamid ah Koomiishanka Doorashooyinka Somaliland iyo Xisbiyadda Mucaaridka ah ee Somaliland.

Goobaha ay xubnahan ka socday Koomiishanka Doorashooyinka Somaliland kormeerka kusoo mareen waxa kamid ahaa Magaaladda Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil, Degmada Sheekh Abdaal iyo Degmada Laalays oo ay si habsami ah uga socotay Qaadashada Kaadhka Codbixintu.

Masuuliyiinta Koomiishanka Doorashooyinka Somaliland ee socdaalka kuurgalka ah ka waday degaamadaas waxa kamid ahayd Koomiishaneer Kaltuun Sheekh Xasan oo kamid ah Xubnaha Koomiishanka Doorashooyinka Somaliland, waxaanay ka warbixisay sida ay qaadashada kaadhku uga bilaabantay Gobolka Saaxil, iyada oo tilmaantay in ay goobahan ay hadda ka bilaabantay qaadashada kaadhku ay ka socon doonto muddo saddex maalmood ah, wixii ka dambeeyana ay goobuhu koobmi doonaan oo kaadhadhka laga qaadan doono Degmooyinka Sheekh iyo Berbera oo keliyaata, iyada oo dadweynahana usoo jeedisay in ay mudada saddexda cisho ah ka faa’iidaystaan oo ay kaadhadhka qaataan.

Waxa iyaguna goobtaas ka hadlay Madax ka socotay Xisbiyada Qaranka Somaliland, waxaanay ugu baaqeen Dadweynaha Reer Saaxil iyo guud ahaanba Dadweynaha Reer Somalilandba in ay kaadhadhka codaynta qaataan oo ay ka faa’iidaystaan fursadan.

Leave a Reply