Faahfaahin – Dagaal Caawa Ka Dhacay Baladwayne

 

11-03-2021

 

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baladwayne ee Xaruunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya laba ciidan.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamo hubeeysan ay weerareen Bar-Koontarool oo Ciidamada Booliska Hir-shabeelle ay Cashuurta ku qadaan, taasi oo ku taalla Duleedka Magaalada Baladweyne, gaar ahaan Konotoroolka Garoonka Diyaaradaha.

Wariyaha Idaacadda Kulmiye ee Beledwayne ayaa soo sheegaya in rasaas xooggan laga maqlay magaalada, isla markaasna uu jiro khasaare ka dhashay dagaalka.

Inta la xaqiijiyay, waxaa dagaalka ku geeriyooday saddex ruux oo kawada tirsan dhinacyada uu dagaalka dhexmaray, halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada weerarka qaaday in ay katirsan yihiin Militeriga Soomaaliya, gaar ahaan Qeybta 21-aad, kuwaasi oo Tababar ku qaadanayay Xerada Harqaboobe.

Guud ahaan Bartii kontorool ee Ciidamada Hirshabeelle canshuurta ku qaadi jireen ayaa waxaa la wareegay ciidamadii weerarka soo qaaday.

Xaaladda Magaalada Beledwayne ayaa caawa kacsan, gaar ahaan goobtii uu ka dhacay dagaalka. – Radio Kulmiye

Leave a Reply