Safiirka Cusub Ee UK U Soo Magacaawday Soomaaliya Oo Lagu Soo Dhaweeyay Muqdisho

 

10-03-2021

 

MUQDISHO (SONNA) – Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Danjire Maxamed Cali Nuur Xaaji ayaa Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho maanta ku soo dhaweeyay Danjiraha Cusub ee UK u soo magacaawday Soomaaliya.

Kate Foster ayaa bedeshay Ben Fender, iyadoo maanta wixii ka dambeeya ka howlgeli doonto Xarunta Safaaradda UK ee Soomaaliya.

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya Danjire Maxamed Cali Nuur Xaaji oo hadal kooban ka jeediyay Munaasabadda Qaabilaadda Danjiraha Cusub ee UK oo ka dhacday Gudaha VIP-da Garoonka ayaa si diiran u soo dhoweeyay Safiir Kate oo bishii Febraayo 2021-ka Dowladda Britain u magacawday Danjiraha u fadhin doonta Soomaaliya.

Wuxuu sheegay Danjiraha in Dowladda Britain ay kamid tahay dalalka xiriir dhow ee saaxiibtinimo la leh Soomaaliya.

Leave a Reply