(UPDATE 1) Waxaa Geeriyooday Madaxweynehii 3aad Ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed

 

10-03-2021

 

NAYROOBI (WBW: The GBM) – Warar soo gaaray Warbaahinta Banaadir Weyne (The Great Banadir Media) isla markaana kasoo gaaray ilo aad loogu kalsoonaan karo ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynehii 3aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed uu galabta ku geeriyooday Magaala Madaxda Jamhuuriyadda Keenya ee Nayroobi kadib markii uu halkaasi u tagay arrimo lagu sheegay inuu iska daweynaye cuduro.

Warka wuxuu ku darayaa in aad loo tuhunsan yahay Geerida Madaxweynehii 3aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo sanadihii u dambeeyay aad uga soo horjeeday Siyaasada Madaxweynaha Mudo Xileedkiisa Dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo taageerayaashiisaba.

Taariikhda Madaxweynehii 3aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo lasoo Koobay

Wuxuu dhashay sanadkii 1939kii, wuxuuna ku dhashay Degmada Jowhar oo kamid aheyd Gobolkii Banaadir (Shabeellaha Dhexe, Muqdisho, iyo Shabeellaha Hoose).

Wuxuu waxbarashadiisa sare uu kusoo qaatay Dalka Masar, kadibna wuxuu kamid noqday Howlwadeenada Dowladda Soomaaliya, isagoo ugu dambeystii Agaasime ka noqday Unisheef (UNICEF); kadibna iska casilay horaantii sanadkii 1969kii.

Wuxuu isu taagay inuu kamid noqdo Mudaneyaashii Baarlamaankii Soomaaliya ee la dooranaye 26dii Maarso, sanadkii 1969kii, wuxuuna iska soo sharaxay Degmada Jowhar oo markaasi Baarlamaanka Soomaaliya ku laheyd 2 Kursi.

Wuxuu ku guuleystay Kursigii Xildhibaanimo ee uu u tartamayay, halka Kursigii kalana uu ku guuleeystay Shiikh Cali Tuure oo sanadkii 2020kii ku geeriyooday Dalka Nederland, kadibna lagu aasay Muqdisho.

21dii Oktoobar, sanadkii 1969kii waxaa Taladii Dalka Soomaaliya xoog kula wareegay Ciidamadii Xooga Dalka ee uu hogaaminayay Jeneraal Maxamed Siyaad Barre kadib markii la dilay Madaxweynehii 2aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharma’arke taariikhda markey aheyd 15tii Oktoobar 1969kii.

Waxaa xigtay in la baabi’yo Dastuurkii Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaana lagu bedelay Warkii Cadaa ee Afgembiga oo ka koobmay 13 Qodob; iyadoona Xabsiga loo taxaabay Dowladdii Ra’isul Wasaare Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Xildhibaano.

Halgame Cali Mahdi Mahdi wuxuu go’aansday inuusan la shaqeyn kuwa xooga ku qabsaday Taladii Dalka Soomaaliya, wuxuuna noqday ganacsade ilaa iyo inta laga ridayo Taliska Kelitaliska ee xooga ku qabsaday Soomaaliya isla markaana baabi’yay Demoqaraadiyadii Soomaaliya ka jirtay.

26dii Janaayo 1991dii waxaa ugu dambeystii lagu guuleystay in la rido Taliskii Kelitaliska ahaa, iyadoo Halgame Cali Mahdi Maxamed uu ka qeybqaadanayo. Halgameyaasha kale ee kala qeybqaatay Riditaanka Taliskii Kelitaliska ahaa ee Soomaaliya, waxaa kamid ahaa Jeneraal Maxamed Nuur Galaal iyo Dr Xuseen Xaaji Bood oo ka hadlay Radio Muqdisho isla markaana baahiyay in la riday Kelitaliyehii Soomaaliya Jenraal Maxamed Siyaad Barre iyo intii kalkaaleysaba.

Halgameyaasha kale ee kasii qeybqaatay Riditaanka Taliskii Kelitaliska ahaa ee Soomaaliya, waxaa kamid ahaa Jeneraal Maxamed Faarax Ceydid, Gaashaanle Sare Axmed Cumar Jees, iyo Halgameyaal aad u badan oo halka kan aan lagu soo koobi karin.

28dii Janaayo, sanadkii 1991dii, Halgame Cali Mahdi Maxamed waxaa loo doortay inuu noqdo Madaxweyne Kumeel Gaarka ah, iyada oo Wakaaladaha Wararka ee Caalamka ay daabaceen 29kii Janaayo, sanadkii 1991dii .

20kii Luuliyo, sanadkii 1991dii waxaa mar kale lagu doortay Dalka Jabuuti, iyadoo ay kasoo qeybgaleen 15 Dal, 4 Madaxweyne, iyo Ururo Caalami ah sida QM, Ururka Midowga Afrika, Ururka Islaamka, iyo Ururka Jaamacada Carabta.

17dii Agoosto, sanadkii 1991dii waxaa Magaala Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho lagu dhaariyay Madaxweynehii 3aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed, waxaana dhaariyay Madaxweynehii 1aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan.

14tii Noeember, sanadkii 1991dii waxaa bilowday iska horimaatan u dhexeeyo Garabada Ururka Golaha Midnimada Soomaaliya oo ay kala hogaaminayaan Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed iyo Gudoomiyaha Golaha Midnimada Soomaaliya Jeneraal Maxamed Faarax Ceydiid, kadib markii ay isku shitaareen Haraaga Kelitaliyahii Soomaaliya Jeneraal Maxamed Siyaad Barre oo isku milmiyay Labada Garab oo ay kala hogaaminayeen Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed iyo Gudoomiyaha Golaha Midnimada Soomaaliya Jeneraal Maxamed Faarax Ceydiid.

Iyada, uu socdo iska horimaatanka Labada Garab oo ay kala hogaaminayeen Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed iyo Gudoomiyaha Golaha Midnimada Soomaaliya Jeneraal Maxamed Faarax Ceydiid, ayaa waxaa weerar kusoo qaaday Ciidamo uu hogaaminayo Kelitaliyahii Soomaaliya Jeneraal Maxamed Siyaad Barre oo doonayay iney dib usoo celiyaan Habkii Kelitalisnimada ee Soomaaliya ka jiray mudada dhan 21da sano, 3da bilood, 4ta maalmood, iyo 23da saacadood.

Ha yeeshee, waxaa lagu guuleystay in Labada Garab la dhex dhigo Xabad Joojin, iyada oo ujeedada ka dambeysana ay aheyd in Dalka Soomaaliya laga badbaadiyo Haraaga Kelitaliyahii Soomaaliya Jeneraal Maxamed Siyaad Barre.

Dhamaadkii bishii Abriilo, sanadkii 1992dii waxey Labada Garab, ay markaasi kala hogaaminayeen Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed iyo Gudoomiyaha Golaha Midnimada Soomaaliya Jeneraal Maxamed Faarax Ceydiid ay ku wada guuleysteen in Dalka Soomaaliya ay ka difaacaan Ciidamadii Haraaga Kelitaliyahii Soomaaliya Jeneraal Maxamed Siyaad Barre isla markaana ay Dalka Soomaaliya kasii saaran.

Sanadihii u dambeeyay waxaa aad loo dareemaye Dhaq-dhaqaaqyada Siyaasadeed ee uu Halgame Cali Mahdi Maxamed uu ka waday Dalka Soomaaliya, gaar ahaana Magaalada Muqdisho; taasina waxey keentay in Madaxweynaha Muddu Xileedkiisa Dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu isku dayo inuu Fashiliyo Dhaq-dhaqaaqyada Siyaasadeed ee Halgame Cali Mahdi Maxamed; isagoo u adeegsanayo Siyaasiin ay isku Heyb Hoose yihiin Halgame Cali Mahdi Maxamed. Ha yeeshee, Siyaasiinta uu soo adeegsaday Farmaajo waa fashilmeen kadib markii uu Halgame Cali Mahdi Maxamed uu ka diidyay wax kastaa oo ay usoo bandhigeen sida 5tii Milyuun ee Dollarka Mareykanka aheyd ee uu ka diiday Siyaasiintaasi loo soo adeegsaday.

Ugu dambeystii waxaa aad loo tuhunsan yahay Geerida Madaxweynehii 3aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed maadaama ay kusoo aaday xili uu magac raadinayo Madaxweynaha Muddu Xileedkiisa Dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo; qiilna uu ka dhiganayo Geerida Madaxweynehii 3aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed iyo Aaska Madaxweynehii 3aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed.

F.G. Waxaa dib loo saxay meeshi ay ku qorneyd Taariikhda 29-ka Janaayo 1991dii iyo sida ay ku timid, waxaana lasii faah-faahiyay taariihdiisa iyo tuhunka laga qabo geeridiisa iyo aaskiisa.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Graet Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa wararka caalamka, gaar ahaana Wararka Dalka Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Dalka Somaliland, Dalka Jabuuti, Degaanka Soomaali Galbeed, iyo Degaanka NFD (Northern Frontier Districts).

Leave a Reply