Xisbiga Kulmiye Laantiisa Uk Oo Bogaadisay Go’aankii Ku Saabsanaa Ka Dhaafida Kharashaadka Murashixiin Cayiman

 

09/03/2021

 

HARGEYSA (SOLNA) – Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye ee Dalka UK Naciima Xuseen Jaamac ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku bogaadisay go’aanka uu ka qaatay Bixinta Kharashka Doorashada ee Murashixiinta Dadka Laga Tirada Badan Yahay iyo Haweenka.

Gudoomiye Ku-xigeenku waxay sheegtay in talaabadaas Madaxweynuhu qaaday ay tahay mid loo baahnaa, waxaanay intaas ku dartay in loo baahan yahay inay Xisbiyada kale qarankuna ay ku daydaan.

Waxa ay sheegtay in tallaabadaasi jaanis fiican u tahay Bulshada taas oo noqon karta fursad ay kusoo baxaan iskuna muujiyaan.

Naciima Xuseen Jaamac Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye ee UK waxay sheegtay in arrintaasi aanay dunida ka dhicin, Somaliland-na ay guul u tahay kuna bogaadinayso Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu dambayn Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye ee Dalka UK Naciima Xuseen Jaamac waxay xustay in loo baahanyahay Qurba Joogta kuwooda waxtarka lehi inay ka qayb qaataan Horumarinta Dalka iyo Arrimaha Doorshooyinka si Bulshada wax fiican loogu qabto.

Leave a Reply