Hoobiyeyaal Lagu Garaacay Xerada Xalane Iyo Alshabab Oo Sheegatey

 

09-03-2021

 

Dhawaaqa Hoobiyeyaal ayaa lasoo sheegayaa in laga maqlay Xerada Xalane oo ay Beesha Caalamka deggan yihiin, iyadoo faah-faahino badan la ogeyn.

Hoobiyeyaasha ayaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday Xeradaasi oo inta badan ay ku yaallaan Xarumaha Reer Galbeedka Ee Magaalada Muqdisho Xafiisyada ku leh.

Ma jirto wax war ah oo soo baxay iyo xog ku aadan Khasaaro hadii ay jiraan oo ka dhashay Weerarka Hoobiyeyaashaasi ah.

Al Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada Hoobiyeyaashaasi in iyagu ka dambeeyeen balse ma aysan soo tebin khasaaraha ka dhashay inta ay la dhan yihiin.

Xigasho: Daafeet News

Leave a Reply