Axmed Madoobe Oo Soo Gaaray Muqdisho Iyo Soo Dhaweyn Loo Sameeyay

 

09-03-2021

 

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Axmed Madoobe iyo wafdigiisa oo ay kamid yihiin Xildhibaano iyo Wasiiro katirsan Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Xildhibaano, Wasiiro, Siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Ujeedka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Muqdisho ayaa waxaa uu yahay ka qeyb galka Shirka u dhexeeya Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo ka dhacaya Teendhada Afisyooni ee Xeyndaabka Garoonka.

Axmed Madoobe iyo wafdigiisa ayaa degi doona Xeyndaabka Garoonka oo loo diyaariyay, waxaana Duhurnimadii Maanta Caasimadda soo gaaray Ciidanka Ilaalada Gaarka ah ee Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland .

Shirka uu ku baaqay Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhammaaday ayaa saddex jeer baaqday, waxaana Dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ay Shuruudo Adeg ku xireen ka qeyb galka Shirka looga hadlayo Arrimaha Doorashooyinka Dalka ka dhacaya.
Xigasho: Mareeg News

Leave a Reply