Al-Shabaab Oo Goob Fagaare Ah Ku Toogtay 5 Ruux

 

08-03-2021

 

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa Fagaare kuyaal Magaalada Bu’aale ee Xarunta Jubbada Dhexe waxaa ay ku Toogteen ilaa 5 Ruux oo ay ku eedayeen in ay geystaan Dilal iyo Shirqoollo, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Dadka ay Al-Shabaab dileen ayaa waxaa kamid ah Nin lagu magacaabi jiray Maxamed Soomoow Ibraahim oo ku magac dheeraa Booroow, kaasi oo ay sheegeen in uu Madax u ahaa Shanta Ruux ee lagu qabtay Bu’aale laguna dilay.

Sidoo kale waxaa kamid ah dadkaasi Al-Shabab Fagaaraha ku Toogteen Max’med Cusmaan Maxamuud oo ku magac dheeraa Maxamed Deeq oo 16 sana jir ahaa, Ismaaciil Saciid Kariib oo 49 sana jir ah, Maxamed Axmed Aadam oo ahaa 42 sana jir iyo Cabdulqaadir Xasan Cali oo 22 sana jir ahaa, kuwaasi oo dhammaantood la toogtay, waxaana Al-Shabaab ay ku eedeeyeen Shantaasi Ruux in ay dilal gaysteen iyo in ay Gacan Saar la lahaayeen Sirdoonka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Fagaare ku yaalla Bu’aale ayaa lagu dilay shantaas nin, balse mid kamid ahaa oo lagu magacaabi jiray Maxamed Soomoow Ibraahim ayay Al-Shabaab gowraceen. – Radio Dalsan

Leave a Reply