Weerar Miino Oo Lagu Diley Askar Katirsan Milatariga Gobolka Bakool

 

07-03-2021

 

Weerar loo adeegsaday Miinada dhulka lagu aaso ayaa lagu diley saddex Askari oo katirsan Ciidamada Milatariga Soomaaliya ee Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Sidoo kale qaraxan ayaa waxaa uu dhaawac ka soo gaaray Askari kale iyadoo ciidamadana ay rasaas fureen markii uu qaraxan dhacay kadib.

Ciidanka Maamulka Degmada Waajid ayaa howlgal ka sameeyay Xaafadaha Degmadaas, iyagoona ku baadi goobayay dadkii ka dambeeyay Qaraxii Miinada ahaa ee lala eegtay Ciidamada.

Dhinaca kale, Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa ku amray qaar kamid ah Dadka ku nool Gobolkaas inay isaga baxaan, gaar ahaan Deegaano ku dhow Magaalada Xarunta u ah Gobolkaas ee Xudur.

Xigasho: Jowhar News

Leave a Reply