Ciidanka Xoogga Dalka Oo Sheegay In Ay Isku Soo Dhiibeen Xubno Katirsan Al-Shabaab

 

07-03-2021

 

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in Laba Dagaalame oo katirsan Al-shabaab ay isku soo dhiibeen, waxaana Saraakiishu ay intaa ku dareen in xubnaha isi-soo dhiibay ay katirsanayeen Qaybta Amniyaadka ee Al-shabaab, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Labada Dagaalame ayaa si gaar ah isugu soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 14-aad ee Guutada 14-ka Oktoobeer ee kusugan Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa magacyada Xubnaha isi soo dhiibay ku kala sheegay Isaaq Cumar Ibraahim iyo Qaasim Cabdulaahi Cali.

Taliyaha Ururka 14-aad, Guutada 14-ka Oktoobar Gaashaanle Cabduqaadir Maxamed Muunye ayaa sheegay in Labada Dagaalame ee Al-shabaab kasoo baxsaday uu uga hortagay Degaanka Shalaanbood isagoona halkaasi kasoo kaxeeyay, waa sida uu hadalka u dhigaye. – Radio Dalsan

Leave a Reply