Khasaaraha Ka Dhashay Qarixii Maqaayada Luul Yemeni Oo Sii Kordhay

 

06-03-2021

 

Faah faahino dheeraad ah ayaa weli kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamiin ahaa oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo loo adeegsaday Mooto nooca qaada xamuulka ayaa waxaa lagu weeraray Maqaayadda Luul Yemeni oo ku taalla Degmada Xamarjajab ee Magaalada Muqdisho ee Gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in haatan dhimashada ay ku dhowdahay illaa 30 qof, halka dhaawacuna uu kasii badan yahay intaasi, kuwaas oo isugu jiro Askar iyo Shacab.

Sidoo kale waxaa jiray burbur aad u xoogan oo gaaray dhismaha lagu weeraray qaraxaasi iyo hantida tiilay

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, waxaana ay shaacisay in bartilmaameedku uu ahaa Saraakiil ku sugnaa halkaasi.

Waa qarixii labaad ee ka dhacaya Maqaayadda Luul Yemen oo horey loo weeraray bishii Agost 2020-kii, kadib markii uu galay qof watay Jaakad lagu soo xiray Walxaha Qarxa. – Radio Shabelle

Leave a Reply