Golaha Wakiilada Oo Uu Maanta U Furmay Ajandaha Kal-Fadhigooda 45-Aad Iyo Golaha Guurtida Somaliland Oo Ka Dooday Siyaadaha Gudaha Iyo Dibadda Ee Dalka

 

06/03/2021

 

HARGEYSA (SOLNA) – Xildhibaanada Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta waxaa u furmay Ajandahooda Kalfadhiga 45naad, halka sidoo kalena Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa inyana waxa dood ka yeesheen Siyaasada Arrimaha Gudaha iyo Dibadda ee Wadanka.

Fadhigii maanta ee Golaha Wakiilada Somaliland oo uu shirgudoominaayey Gudoomiyaha Golahaasi Baashe Maxamed faarax ayaa Mudanayaasha Golahaasi waxaa loo qaybiyey Ajandahooda Kal-fadhiga 45naad, kaasi oo qodobadiisa ay kamid yihiin, Warbixinta Shirgudoonka, Guddida Joogtada ah iyo guddiyada kale ee golahaasi, uyeedhista Masuuliyiinta Xukuumada iyo Mashaariicda Sharci ee golahaasi horyaala.

Waxaanu Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu uu Mudanayaasha Golaha uu ka dalbday in ay Ajandahaasi ka soo baraan dagaan soona akhriyaan.

Dhinaca kalena Mudanayaasha Golahaasi Guurtida Somaliland ayaa maanta waxay dood ka yeesheen Xaalada Siyaasada Arrimaha Gudaha iyo Dibada ee Wadanka.

Fadhga Golaha Guurtida Somaliland oo uu shirgudoominaayey Gudoomiyaha Golahaasi ayaa Mudanayaasha Golahaasi waxay dood ka yeesheen Ajanadahooda Kalfadhiga 72naad, Qodobkiisa Afraad oo ka hadlaya Siyaasada Arrinaha Gudaha iyo Dibada ee Dalka, Xildhibaanadii doodaas ka qayb qaadanaayay ayaa waxay xuseen in Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Dalku ay marayso meel fiican, loona baahaan yahay in la sii xoojiyo, Xilbibaanadii ka qayb qaatay dooddaasna waxa kamid ahaa Xildhibaan Jirde Siciid Maxamuud , Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan, Xildhibaan Muse xaaji Cabdi.

Ugu dambayn Shirgudoonka Labada Gole ee Guurtida iyo Wakiilla ayaa Xildhibaanada Golahaas ku wargeliyay in Maalinta Isniinta ee todobaadkan uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu Khubad-sannadeedkii Distooriga ka hor jeedin doona fadhi wada-jir ah oo ay yeelan doonaan labadaas gole.

Leave a Reply