Wasiir Koowaadkii Hore Ee Soomaaliya Oo Eedeeyay Madaxda Soomaaliya Uu Mudo Xiileedkooda Uu Dhamaaday

 

05-03-2021

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Wasiir Koowaadkii Hore Ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo hadana kamid ah Midowga Murashixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Madaxda Soomaaliya uu Mudo Xiileedkooda uu Dhamaaday, in markale ay Carqaladeeyeen Bannaanbixii ay Midowga Murashixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ay Maalinta Sabtida (6da Maarso) ay ka dhigi lahaayeen Fagaaraha Taalada Daljirka Dahsoon ee Degmada Boonhdeere ee Magaalada Muqdisho ee Gobolka Banaadir.

“Sida aan ku ballanay waxaa loo ballansanaa inaan qabano Bannaanbax Dastuuri ah, oo ay ka wada shaqeeyaan Midowga Musharaxiinta iyo Xukuumadda, oo maalmahaan wadahadal uu socday. Sidaad ogtihiin Bannaanbixii Nabadda ku dhici lahaa waxaa markale carqaladeeyay Xukuumadda Xil Gaarsiinta ee hadda jirta, ee uu ugu horeeyo Madaxweynaha Xilkiisu Dhammaaday. Waad ogtihiin in ballantii ay ka baxeen, meel walbana ay Ciidamo soo dhigeen, si ay u Carqaladeeyaan Amniga, dhibaatana ugu gaystaan Wiilasha iyo Gabdhaha Soomaaliyeed oo raba inay codkooda ku muujiyaan, sida ay tahay dalkan in loo gaarsiiyo Doorasho Leesla Ogolyahay,” ayuu yiri Wasiir Koowaadkii Hore Ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Graet Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa wararka caalamka, gaar ahaana Wararka Dalka Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Dalka Somaliland, Dalka Jabuuti, Degaanka Soomaali Galbeed, iyo Degaanka NFD (Northern Frontier Districts).

 

Leave a Reply