Midowga Musharaxiinta Oo Muqdisho Ka Wada Abaabulka Bannaanbaxa Berri

 

05-03-2021

 

Waxaa Magaalada Muqdisho maanta ka socda Abaabulka Bannanbaxa ay ku dhowaaqeen Midowga Musharixiinta, kaasi oo la filayo in Maalinta Beri oo Sabti ah uu ka dhaco Magaalada Muqdisho.

Hoteelada iyo Guryaha ay degganyihiin Midowga Musharixiinta ayaa ah, kuwo laga dareemayo Abaabulka Bannaanbaxa, iyadoo Musharixiinta ay Kulamo la qaadanayaan Taageerayooshooda.

Heshiis ay gaareen Xukumadda Soomaaliya iyo Midowga Musharixiinta ayaa lagu heshiiyay in Bannaanbaxa uu dhaco 6-da bisha oo berrito ku beegan, isla markaana Doorka Ammaanka Bannaanbaxayaasha ay qaadato Dowladda Soomaaliya.

Waxaa xalay goor dambe natiijo la’aan ku soo dhammaaday Shirkii Saddexaad oo ay yeeshaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Xubnaha Midowga Musharixiinta.

Xubanaha Midowga Musharixiinta ayaa Xukumadda hor dhigay in la ballaariyo Shirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, isla markaasna shirkaasi ay ka qeyb galaan, balse Xukumadda ayaa diiday codsigaasi, iyadoo ku tilmaamtay in aan la furi karin Heshiiskii 17-sebtember oo ay gaareen Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada.

Lama oga in uu saameyn ku yeelan doono shirkaasi fashilmay Bannaanbaxa Berito oo ay abaabulkiisa wadaan Mucaaradka.

Xigasho: Radio Kulmiye

Leave a Reply