CC Warsame Oo Soo Bandhigay Qodobo La Hor Dhigay Rooble

 

05-03-2021

 

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa bulshada la wadaagay Qodobadii la hor dhigay RW Xil Gaarsiinta ah ee Rooble.

MUQDISHO – Hoggaamiye CC Warsame oo kamida Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa bulshada la wadaagay qoraal kooban oo uu ku sheegay in ay ahaayeen qodobadii ay usoo jeediyeen Ra’iisul Wasaaraha Xil Gaarsiinta ah ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Hoggaamiyaha ayaa yiri “Qoddobada doodda kulankii aan xalay la yeelanay Raysul Wasaaraha Xukuumadda Xil Gaarsiinta waxay ahaayeen:”

1) In Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhammaaday uu qoro Dikreeto uu ku cadaynayo in Masuuliyadaha iyo Go’aanada Amniga iyo Doorashooyinka uu faraha kala baxo.

2) Si loogu kalsoon karo Amaanka Dalka iyo kan Doorashooyinka in Ciidanka laga saaro Siyaasada, lana bedelo ama ugu yaraan shaqada laga joojiyo Taliyayaasha Ciidanka, kuwa cusubna laga Saxiixo in ay siyaasada faraha kala baxaan.

3) In la furo Masaaxada Siyaasada oo aan cidna idan looga qaadan kulamada, Dibadbaxyada, Abaabulka kale ee Ololaha Doorashooyinka, Warbaahinta Qarankana Loo Sinnaado.

4) In la cadeeyo Ka-qaybgalka Midowga Musharaxiinta ee Wadahalada Doorashooyinka.

Raysalwasaaraha inta uu wax ka qaban karo ha u cadeeyo Shacabka Soomaaliyeed, go’aanadeedana ha qaato.” Ayuu kusoo gabagabeeyay hoggaamiye Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Xigasho: Keyd Media Online

Leave a Reply