War Saxaafadeed: Dowladda Soomaaliya Oo Ogolaatay In Banaanbaxa Lagu Qabto Daljirka Dahsoon

 

03-03-2021

 

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu dambeyntii ogolaatay in Babaanbaxa ka dhanka ah Madaxweynaha uu Muddo Xileedkiisa Dhamaaday in lagu qabto Taalada Daljirka Dahsoon ee Degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho ee Gobolka Banaadir.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Dowladda ayaa siddaan u qornaa:

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya iyada oo tixgelinaysa Geeddi Socodka Dimuqraadiyada, Qabsoomidda Doorashooyinka Qaranka iyo Ilaalinta Heshiisyadii Mucaaradka waxa ay u ogolaatay Mucaaradka Codsigoodii ahaa in mudaharaadka ay ku qabsadaan Fagaaraha Daljirka Dahsoon.

Bilowgii, Xukuumaddu waxay u soo jeedisay Mucaaradka in ay uMdaharaadkooda ku qabsadaan Eng Yariisow Stadiyoom si loo xaqiijin karo habraacyada xakamaynta COVID-19 ee waajibka ah, laakiin markii mucaaradku ku adkaysteen Fagaaraha Daljirka Dahsoon; Xukuumaddu iyada oo tixgelinaysa Heshiisyadii la wada gaaray waxay ogolaatay Dalabkii Mucaaradka.

Ugu dambayn Xukuumaddu waxay fartay qaban Qabanqaabiyayaasha Mudaharaadku in ay Dibad Baxayaasha ku adkeeyaan soo qaadashada Afxirka iyo kala Fogaanshaha.

Xigasho: Radio Risaala

Leave a Reply