Duqeymo Lagu Dilay Amiiro Iyo Dad Shacab Ah Oo Ka Dhacay Jubbada Dhexe

 

03-03-2021

 

Duqeynta ayaa ka dhacdey Degmada Jilib Saqdii Dhexe ee Xalay waxaana lagu soo waramayaa in uu jiro khasaaro badan.

Ilo Xog Ogaal ah ayaa sheegaya in Duqeynta lala beegsaday Horjoogayaal Sare oo katirsan Kooxda Alshabaab.

Amiir magaciisa lagu soo koobey Abuu Nucmaan una dhashay Dalka Yaman iyo 4 Amiir oo Soomaali ah ayaa la sheegay in ay ku Geeriyoodeen Duqeynta sida ay noo xaqiijiyeen Saraakiil katirsan Laamaha Amaanka Soomaaliya oo magacooda qariyay.

Dhinaca kale Goob Joogayaal kusugan Degmada Jilib ayaa xaqiijiyay in uu jiro Khasaaro soo gaarey Dad Shacab ah kuwaas oo haleelay Gantaalada ay ridayeen Diyaaradaha howl galka kujirey.

Ilaa iyo 7 Qoys ayaa lasheegay in ay waxyeelo Dhimasho iyo mid Dhaawacba kasoo gaartay kadib markii Gantaalo guryahooda kula dhaceen. – Mareeg News

 

Leave a Reply