Alshabab Oo 5 Ruux Ku Qasaastay Fagaaraha Degmada Jilib

 

03-03-2021

 

Wararka ka imanaya Degmada Jilib ee Gobolka Jubadda Dhexe ayaa sheegaya in Xoogagga Ururka Al-shabaab goob fagaaro ah ku toogteen Shan Ruux oo ay ku eedeeyeen in ay xiriir wada shaqeyn ah la lahaayeen CIA-da Mareykanka.

Fagaaraha toogashada lagu fuliyay ayaa waxaa isugu yimid Dadweyne Badan oo ay Al-shabaab ay ugu baaqeen in ay u soo Daawasho Tagaan Fulinta Toogashada, mana aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale ay sameeyaan Al-shabaab.

Ragga ay toogashada ku fuliyeen ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Abuukar Xasan Maxamed, Xasan Maxamuud Maxamed (Xasan Dheere ), Mahad Cabduqaadir Aadan oo loo yaqaanay Mahad Qaadoole, Axmed Cabdi Cabdullaahi Salmaan, Macalin Abuukar Maxamed Calasow oo ahaa Nin Oday ah oo jiray da’ada 63.

Horay sidan oo kale Al-shabaab ayaa qeybo badan oo kamid ah dalka ku fuliyay dilal noocan oo kale dad ay ku eedeeyeen in ay yihiin jawaasiis u basaasa Hay’addo Shisheeye iyo Dowladda Soomaaliya. – Daafeet News

Leave a Reply