Ra’iisulwasaare Rooble Iyo Beesha Caalamka Oo Ka Wada Hadlay Arrimaha Doorashooyinka Dalka

 

28-02-2021

 

Muqdisho (SONNA) – Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Habka Fogaan Aragga Shir kula yeeshay Wakiillada Beesha Caalamka, kaas oo looga hadlay sii wadista Wada Xaajoodyada DFS iyo Dowlad Goboleedyada ee la xiriira Hirgalinta Heshiiskii 17-kii Sebtember 2020 iyo Qodobbadii Guddigii Farsamo ee Baydhabo.

Shirkan ayaa sidoo kale lagu bogaadiyay Isfahamkii ka soo baxay Shirkii Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharixiinta ee 25-kii Febraayo, 2021.

 

Leave a Reply