Qarax Miino Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

 

28-02-2021

 

Laba Askari oo katirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa ku geeriyootay Qarax Miino oo ka dhacay Agagaarka Dugsiga Hoyga Xamar.

Qaraxan oo ahaa Miinada dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay Gaari ay la socdeen Ciidanka Xoogga Dalka oo waddada marayay.

Weerarkan Argagixisanimo ayaa sidoo kale waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhaawacyo soo gaaray dad shacab ah iyo Bur-bur Hantiyadeed. – Radio Muqdisho

Leave a Reply