Laba Dhalinyaro Ah Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

 

28-02-2021

 

Kooxo hubeysan ayaa Barqanimadii Maanta waxaa ay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ku dileen laba Dhalinyaro ahaa, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Dhalinyarada la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Axmed Xasan iyo Ismaaciil Axmed Siyaad, waxaana la sheegay inay katirsanaayeen Ciidamada Nabadsugida Soomaaliya, Qeybta Ilaalada Shacabka ee Dharcadka loo yaqaan.

Wararka ayaa sheegaya in xilliga la dilayay ay wateen Mooto nooca labada lug leh ee Fekonta loo yaqaan, waxaana weerarkaas sidoo kale lagu dhaawacay mid kale oo la socday.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada dilkaas, iyaga oo ku sheegay qoraal lagu daabacay baraha ay ku leeyihiin Internet-ka in Dhalinyarada la dilay ay katirsanaayeen Askarta Dowladda Soomaaliya.

Laamaha Amniga Soomaaliya weli wax faah-fahin ah kama bixin Dilka Suuqa Bakaaraha loogu geystay Askarta katirsanaa Ciidamada Dowladda, waxaana dilkan uu kusoo aadayaa xilli maanta Muqdisho ay ka dhaceen Qaraxyo lala eegtay Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xoogga Dalka iyo Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid. – Radio Risaala

Leave a Reply