Wariye Kilwe Aadan Oo La Horkeenay Maxkamadda Ciidamada Dowlad Goboleedka Puntland

 

27-02-2021

 

Wariye Kilwe Aadan Faarax oo kamid ah Wariye-yaasha ka hawlgala Magaalada Garoowe ayaa maanta la horkeenay Maxkamadda Ciidamada Puntland.

Wariyaha ayaa labadii bilood ee ugu dambeysay ku xirnaa Magaalada Garoowe, kadib markii Laamaha Ammaanka ay Xabsiga u taxaabeen.

Maxkamadda ayaa maanta Wariyaha ku eedeysay in loo haysto Saddex Qodob oo kala ah Horkicid Shiddo Abuur, Daabicidda Warar Qalqalgelinaya Dadweynaha iyo Yasitaan uu yasay Dowlad Goboleedka Puntland.

Maxkamadda ayaa 11-kii bishii hore ee Jananaayo ku eedeysay Wariyaha isku day dil, inkastoo eedeymihii hore la bedelay.

Qareenka difaaca Wariyaha oo lagu magacaabao Abukaate Mustafe Maxamed Jaamac ayaa sheegay in Maxkamadda ay ka dalbadeen in Cadeymo loo keeno Dacwadda lagu soo oogay Wariyaha.

Wariye Kilwa ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray Bannaanbixii ay Dadka Reer Garoowe uga soo horjeedeen Sicir Bararka ka dhashay Diidmada Lacagta Shilling Soomaaliga, taasoo ka careysiisay Dowlad Goboleedka Puntland.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta furay Shirweynaha 4aad ee Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) ayaa soo hadalqaaday Xariga Wariye Kilwe, isagoona sheegay in maxkamad la horkeeni doono.

Xigasho: Universal TV Somali

Leave a Reply