Taliye Cusub Oo Loo Magacaabay Ciidanka Kenya Ee Ku Sugan Soomaaliya

 

27-02-2021

 

Taliska Ciidanka Difaaca Kenya ee KDF ayaa waxay sheegeen inay Isbedel ku sameeyeen Hoggaaminta Ciidankooda ku sugan qeybo kamid ah Soomaaliya.

Jeneral Jeff Nyaga ayaa loo soo magacaabay Taliyaha Cusub, waxaana uu xilka kala wareegay Taiyihii hore, Jeneral Paul Kahuria Njema. Xafladda Xil Wareejinta waxaa lagu qabtay Xarunta Dhexe ee Taliska Qeybta 2-aad ee AMISOM oo ku taalla Degmadda Dhoobley oo katirsan Gobalka Jubada Hoose, una dhow Xuduudka Kenya.

Taliyaha xilka lagala wareegay ee Jeneral Paul Kahuria Njema waxa uu xilkaasi hayey tan iyo bishii Feberaayo ee sanadkii hore ee 2020-kii.

Ciidanka Kenya waxay markii ugu horeysay Soomaaliya soo galeen bishii Oktoober 11-dii ee sanadkii 2011-kii, kahor intaysan qeyb ka noqonin Taliska Ciidanka Hawlgalka Nabad-ilaalinta ee AMISOM.

Ciidankaasi waxay ka hawl-galaan qeybo kamid ah Gobolada Jubbooyinka, iyagoo shaqo-wadaag la ah Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedka Jubbaland. – Radio Dalsan

Leave a Reply