Golaha Ammaanka Oo Saraakiil Katirsan Al-shabaab Ku Soo Rogay Cunaqabateyn

 

27-02-2021

 

Kadib codsi Golaha Ammaanka QM uga yimid Dowladdaha Soomaaliya iyo Mareykanka, ayaa cunaqabteyn lagu soo rogay Saraakiil Sarsare oo katirsan Ururka Al-shabaab ee ka dagaalamada Soomaaliya.

Saraakiisha cunaqabateynta lagu soo rogay ayaa gaaraya illaa seddax sarkaal oo katirsan Al-shabaab, waxayna kala yihiin: 1. Abuukar Cali Aadan, 2. Macalin Ayman iyo 3. Mahad Karataay, kuwaas oo xilal waaweyn ka haya Al-Shabaab.

Seddaxdaan shaqsi ayaa Xubnaha Golaha Ammaanka ay isku raaceen in Xayirado Dhan Walba ah lagu soo rogo ,iyadoo lagu soo daray Liiska Argagaxisa QM.

Erica Barks-Ruggles oo ah Sarkal katirsan Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa ku tilmaamay in ay tahay arintaan Taallabo Dhanka Xasiloonida iyo Nabadda Soomaaliya loo qaaday.

Xigasho: Goobjoog News

Leave a Reply