Bankiga Dhexe Ee Soomaaliya Oo Ruqsad Siisay Shirkada Hurmuud, Gaar Ahaan Adeegga EVC Plus

 

27-02-2021

 

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa maanta Shirkadda Hormuud oo kamid ah Shirkaddaha Isgaarsiinta Soomaaliya siiyay Liisankii ugu horreeyay ee Adeegga Lacagaha la iskugu diro teleefoonnada Electronic Money.

Shirkadda Hormuud oo ah tan ugu weyn ee bixisa Adeegga Telefoonnada Lacagaha la iskugu diro ee loo yaqaano EVC Plus, ayaa noqonaysa shirkaddii ugu horaysay ee si rasmi ahaan ah loogu sharciyeeyo adeeggan.

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay ayna kana soo qayb galeen qaar kamid ah Wasiirada ukuumadda Soomaaliya, Ganacsato iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa maanta si rasmi ah Bankiga Dhexe ee Soomaaliya wuxuu ku gudoonsiiyay shirkadda Hormuud Telecom Liisanka Adeegga EVC Plus kaddib markii ay shirkaddu soo buuxisay shuruudihii looga baahnaa.

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, ayaa madasha ka sheegay in Shirkadda Hormuud ay tahay shirkaddii ugu horraysay ee hesha aqoonsigaan caalamiga ah ee hannaanka maaliyadeed ee dalka.

“Maanta waxaanu isugu nimid Shahaadada Aqoonsiga ee uu bixiyo Bankiga Dhexe ee Soomaaliya in aan guddoonsiino Shirkadda Hormuud gaar ahaan adeegga EVC Plus-ka, adeeggaan ayaa ah maanta laga billaabo mid la isku halayn karo, maadaama uu maray dhammaan Shuruudihii Caalamiga ahaa ee Bangiga Dhexe soo saaray, waana adeeg maaliyadeed oo la isku hallayn karo, inkastoo markiisi horeba ahaa adeeg la isku hallayn karo oo Dadka Soomaaliyeedba isticmaali jireen” ayuu yiri Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed cabdullaahi.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, oo ka hadlay madasha ayaa sidoo kale ku ammaanay Shirkadda Hormuud hannaanka Buuxinta Shuruucda Caalamiga ah ee Adeeggan Maaliyadeed gaar ahaan adeegga EVC Plus oo xil-wayn iska saareen in Dadka Soomaaliyeed si bilaash ah ku isticmaalaan.

EVC Plus waa adeeg ay Macaamiisha Hormuud isugu kala xawili karaan lacagaha, ku bixin karaan biilasha, ka dhex iibsan karaan kaarka ku hadalka, iyo in ay si toos ah lacag ugala soo bixi karaan.

150 milyan oo lacago ah ayaa bil kasta la isugu dirayaa ama lagu kaydsadaa adeegga lacagaha la telefoonnada ee EVC Plus iyo kuwa kale ee ka shaqeeya guud ahaan Soomaaliya, sida uu sheegay guddoomiyaha bankiga.

Guddoomiyaha shirkadda Hormuud Axmed Maxamuud Yuusuf, oo sheegay in Shirkadda Hormuud ay u hoggaansan tahay Shuruucda iyo Nidaamyada u yaalla Dowladda, isagoona sheegay in uu aad ugu mahad celinayo Bankiga Dhexe ee Soomaaliya oo maanta guddoonsiiyey Shahaadada Aqoonsiga ee Adeegga Maaliyadeed, kaas oo noqonaya mid la jaan qaada midka ay isticmaalaan Dowladaha Caalamka. – Hiiraan Weyn News

Leave a Reply