Bannaanbixii Ay Ku Baaqeen Midowga Murashixiinta Ee Maanta Oo Baaqday

 

26-02-2021

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Bannaanbixii ay ku baaqeen Golaha Midowga Murashixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ee lagu waday in maanta uu ka dhaco Taallada Daljirka Daahsoon ee Degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho ee Gobolka Banaadir ayaa lagu soo waramaa in uu Banaanbaxaasi uu Baaqday.

Warka wuxuu ku darayaa in Baaqashada Banaanbaxan ay ka dambeyso shirar saacado badan qaatay oo ay maalintii shalay yeesheen Ergo uu hogaaminayay Sii Hayaha Xilka Wasiir Koowaadka Dowladda Soomaaliya, Maxamed Xuseyn Rooble iyo Ergo uu hogaaminayay Gudoomiyha Golaha Midowga Murashixiinta Madaweynaha Soomaaliya, Shariif Shiikh Axmed; oo Isla Gartay In La Joojiyo Bannaanbaxa 26-da Febraayo isla markaasna la dhigo Banaanbaxa Kale Mudo 10 Maalmood Gudahood.

Ugu dambeysti, Sii Xambaarsaatada Magaca Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in waqtiga ku haboon la dhigi karo Banaanbaxa, iyadoona la sugayo Nabadgelyada.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Graet Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa wararka caalamka, gaar ahaana Wararka Dalka Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Dalka Somaliland, Dalka Jabuuti, Degaanka Soomaali Galbeed, iyo Degaanka NFD (Northern Frontier Districts).

Leave a Reply