Faah Faahino Kasoo Baxaya Weerar Ka Dhacay Magaalada Beledweyne

 

25-02-2021

 

Wararka ka imaanaya Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay Bam-gacmeed lagu weeraray Fariisin Ciidanka Amniga ay ku leeyihiin magaaladaasi.

Taliya Booliska Gobalka Hiiraan G/Sare Isaaq Cali Cabdulle oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in weerarkaasi loo adeegsaday Bam-gacmeed uusan geysan wax khasaare ah.

Sidoo kale taliyaha ayaa xusay in Ciidamada Ammaanka ay wadaan howl-gal lagu baadi-goobayo raggii ka dambeeyey weerarkaasi.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa Gudaha Beledweyne ka dhacayey falal amaan darri oo isugu jiro weeraro iyo dilal qorsheysan oo qaarkood ay sheegatay Al-Shabaab. – Radio Shabelle

Leave a Reply