(UPDATE 1) Waxaa Geeriyooday Halgame Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble

 

24-02-2021

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – War soo gaaray Warbaahinta Banaadir Weyne (The Geat Banadir Media), kana soo gaaray Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho waxaa lagu sheegay in Halgame Ugaas Xasan Ugaas Khaliif uu Fiidnimadii Xalay ku geeriyooday Hotel Mubaarak uu ka degenaa Magaalada Muqdisho.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif waxaa uu ahaa Halgame Aqoonyahan ah oo kasoo howlgalay Dalka Soomaaliya kadib markii uu madaxbanaanaaday 1-dii Luuliyo 1960-kii.

25-tii Luuliyo, Gugii 2016-dii waxaa Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble loo Caleemo Saaray Ugaasnimo kadib markii lagu soo booday walaalkiis Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble; uuna geeriyooday 3-dii Janaayo 2016-dii.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif waxaa uu aad ugu halgame jiray Xuquuqda iyo Jiritaanka Gobolka Hiiraan, wuxuuna Halgankiisa ku saleyn jiray in Gobolka Hiiraan uu ahaa, uuna yahay Gobolka Keliya ee ka Badbaaday Gobolo Qeybintii uu sameeyay Kelitaliyehii Soomaaliya Jeneraal Maxamed Siyaad Barre ee xooga ku haaystay Soomaaliya 21-da Sano, 3-da Bilood, 4-ta Maalmood, iyo 23-da Saacadood.

Ugaaska wuxuu aad u diidanaa in Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ay dhistaan waxa loogu yeero Hir+Shabelle, isagoo daacad ahaan ka duulayay in Gobolka Hiiraan uu sidiisa uu uga mid noqon karo Dowlad Goboleedyada halka Gobolka Shabeellaha Dhexe uu dib ula midoobi karo Gobolka Shabeellaha Hoose iyo Muqdisho maadaama ay isku ahaayeen Gobolkii Banaadir ee uu kala qeybiyay Kelitaliyehii Soomaaliya Jeneraal Maxamed Siyaad Barre laga bilaabo sanadkii 1971-dii.

Hada waxaa la sheegayaa in Halgame Ugaas Xasan Ugaas Khaliif uu u geeriyooday Cudurka Safmarka ah ee KOFID-19 (COVID-19), oo ay Sii Xambaarsatada Magaca Dowladda Soomaaliya iyo Madxdeedaba ay Marmarsiiyaha ka dhigtaan.

Ha yeeshee, waxaanan la hubin in Ugaaska uu cudurkaasi u geeriyooday; asiise ay jiri karaan waxyaabo kale kol hadii uu Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble uu Har iyo Habeenba u Tafoxeydnaa Xuquuqda Kamaqan Gobolka Hiiraan ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Hada, weydiinta taalo waxey tahay: yaa sii wadi doono Halgankuu Bilaabay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble?

Ugu dambeysti, halkan hoose waxaa laga aqrisan karaa Qoraal goordhow kasoo baxay Isbitaalka Madiina, iyadoo qoraalkaasi laga soo xigtay Warbaahinta HOL.

 

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Graet Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa wararka caalamka, gaar ahaana Wararka Dalka Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Dalka Somaliland, Dalka Jabuuti, Degaanka Soomaali Galbeed, iyo Degaanka NFD (Northern Frontier Districts).

Leave a Reply