DFS Oo Sheegtay In Sarkaal Katirsan Al-Shabaab Uu Isku Soo Dhiibay

 

24-02-2021

 

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in uu isku soo dhiibay Sargaal katirsan Al-Shabaab, kadib markii uu xiriiro la soo sameeyay Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka ee ku sugan Magaalada Bacaadweyne ee Gobolka Mudug.

Sargaalkan ayaa waxaa uu isku soo dhiibay Saraakiisha Guutada 13-aad, Qaybta 21-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka, kuwaasi oo howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka waday Deegaanada Hoostaga Camaara ee Gobolka Mudug.

Sargaalkan oo magaciisa lagu sheegay Cabdule Xuseen Maxamuud, oo loogu yeeri jiray (Cabdiqani), isagoona tibaaxay in uu isaga baxay Al-Shabaab.

Cabdiqani, ayaa sheegay in uu kasoo dagaallamay Gobollo Badan oo katirsan Soomaaliya,wuxuuna Kooxda Al-Shabaab u qaabbilsanaa hoggaaminta qayb kamid ah Jabhaadka Geysta Weerarada. – Radio Kulmiye

 

Leave a Reply