Xisbiga Kulmiye Oo Ka Warbxiyay Kulan Madaxdiisa U Saraysaa La Qaateen Wefti Dublamaasiyiin Ah Oo Ka Socda Dalalka Iyo Ururrada Taageerada Siiya Somaliland

 

23/02/2021

 

Hargeysa (SOLNA) – War kasoo baxay Af-hayeenka Xisbiga KULMIYE, Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni ayaa lagu sheegay in Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wefti Diblumaasiyiin iyo Madax Sar-sare ah oo ka socda dalalka iyo ururrada kala shaqeeya Somaliland arrimaha Horumarka iyo Dimuqraaiyadda oo ay kamid yihiin; UK, Germany, Sweden, Denmark, EU, UN iyo AU, kuwaas oo booqasho ku yimi dalka JSL.

Kulanka oo qodobada ugu badan lagu lafa-guray arrimaha la xidhiidha Doorashooyinka Is-barkan ee Golaha Wakiillada iyo Deegaannada Dalka Somaliland ee qabashadeedu u Muddaysan tahay 31-ka bisha May ee sannadkan 2021, waxay Weftiga ka socday Beesha Caalamku si weyn ugu Ammaaneen Xukuumadda Somaliland, Axsaabta Qaranka iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka sida wanaagsan ee ay u hirgeliyeen Diiwaangelinta Codbixiyayaasha oo dhaqaalihii ku baxay ay bixisay Dawladda Somaliland, taas oo ku dhammaatay si nabadgalyo ah.

Guddoomiye Ku-xigeenka KULMIYE waxa uu u sheegay Weftiga in Xisbi ahaan iyo Xukuumad ahaanba ay diyaar ka yihiin wax kastoo la xidhiidha Qabashada Doorashooyinka Isku-sidkan, isla markaana mudnaantooda Koowaad tahay in Doorasho or iyo Xalaal ahi si amni ah uga dhacdo dalka Somaliland waqtiga loo muddeeyey, taas oo wax kastoo carqalad ku noqonayaana ay axsaab ahaan iyo dawlad ahaanba si wadajir ah uga soo horjeedaan.

Waxa kaloo Mudane Axmed Cabdi-dheere ku wargeliyey Xubnaha Weftiga kulanka la qaatay in Xisbiga KULMIYE uu Gacan Buuxda siinayo Murrashaxiinta Haweenka iyo Beelaha La Hayb-sooco ee iska soo sharraxa xisbiga, iyadoo horeba Xisbiga iyo Xukuumaddiisu ay dadaalo badan uga galeen sidii kor loogu qaadi lahaa Ka Qaybgalka Talada Dalka ee Labadan Qaybood ee Bulshada katirsan.

Dhankooda Weftigani waxay Ballanqaadeen in ay diyaar la yihiin wixii Taageero ah ee ay dalalkooda iyo ururrada ay ka socdaan ka gaysanayaan Doorashooyinka Somaliland.

Leave a Reply