Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Saciid Deni Oo La Kulmay Wakiilka Midowga Yurub Ee Jamhuuriyadda Soomaaliya

 

22-02-2021

 

Muqdisho (WBW: The GBM) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu soo waramayaa in maanta uu Magaalada Garoowe uu kula kulmay Ergo uu hogaaminayay Wakiilka Midowga Yurub ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Nikolaas Berlaanga Maartinees (Nicolás Berlanga Martínez).

Warka wuxuu ku darayaa in Ergida uu hogaaminayay Wakiil Nikolaas Berlaanga Maartinees ee gaartay Garoowe isla markaana la kulntay Mudane Saciid Deni, in ay ku jireen Danjireyaasha Dalalka Itaaliya iyo Iswidhen ee joogo Dalka Soomaaliya; waxeyna gaarsiiyeen Mudane Deni fariin ay uga sideen Wakiilada Beesha Caalamka ee ku sugan Xarunta Xalane ee Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Ugu dambeysti, waxey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntalnd Saciid Deni ay ku dhiirigeliyeen inuu kasoo qeybgalo shirka uu ku baaqay Madaxweynaha Mudu Xileedkiisa uu Dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Graet Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa wararka caalamka, gaar ahaana Wararka Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Somaliland, Jabuuti, Soomaali Galbeed, iyo NFD (Northern Frontier Districts).

Leave a Reply